Hay’adda FAO oo sheegtay in Kenya uu mar kale ku habsan karo Ayax

Hay’adda adduunka ee cunnada iyo beeraha ee FAO ayaa soo saartay digniin cusub oo ah in mar kale gudaha dalka lagu arki karo Ayaxa.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo Kenya ay weli ka soo kabanayso saameynta uu cayayaankan ku reebay markii ugu horeysay muddo 70 sano ah.
FAO ayaa sheegtay in Ayax ka yimid dhanka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea laga cabsi qabo inuu saameeyo deegaanada waqooyiga dalka.
Ayaxa ayaa xaalufiya dhirta iyo dalagga la beerto waxayna tani horseedaa cuno yari.
Hay’adda FAO ayaa intaa ku dartay in 20 milyan oo qof oo ku nool wadamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ay dhibaatada Ayaxa awgeed cuno yari soo foodsaari karto.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here