Hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen kiimiko Shabaab loo waday

Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Maanta shaacisay inay gacanta ku dhigtay Kiimiko loo waday Ururka Al-Shabaab iyo Shaqsiyaadkii dalka soo gelinayay.
Qoraal kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay inay Hay’adda qabatay Kiimiko 79 tan oo maadada Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, kuwaas oo u waday Al-Shabaab.
“ Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga.
Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hay’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada ayaa lagu yiri” Warka NISA.
NISA qoraalkeead kuma shaacin halka laga qabtay Kiimikada loo waday Al-Shabaab iyo tirada dadka ay qabteen, hayeeshee ay sheegeen in baaritaan dheer, kaddib ay Sharciga wajihi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here