Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka oo $185 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa qaabilay maamullaha guud ee hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) , Mark Green iyaga oo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawlgelinta xarunta USAID ee Soomaaliya oo la xiray sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mark Green ayaa ka wada hadlay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dib u soo kabashada dhaqaalaha, deyn cafinta iyo dib u habaynta hannaanka maaliyadeed ee dalkasi .
Dhankiisa, Mark Green ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay hawlaha ay hay’adda USAID ka waddo Soomaaliya iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo mashaariicda lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filnaasho o dhanka dhaqaalaha ah.
Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka Somalia ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here