Hay’adda lanqeerta cas oo ugu yeerayso dalka Filibiin inay taxadar muujiyaan

Hay’adda lanqeerta cas ee dalka Filibiin waxay ugu yeereysa dadka inay feejignaan dheerad ah muujiyaan xilli kiisaska Coronavirus ee dalkaasi ay in ka badan 1,000 maalin walba la diiwangeliyo halka isbitaladana ay sheegayaan inaysan xamili karin bukaano dheeraad ah.
In ka badan 80,000 oo qof ayaa laga helay xanuunka COVID-19 ee dalkaasi, tiradaasi in ka mid ah bishan July waxa la diiwan galiyay in ka badan 42,000.
Guddomiyaha Hay’adda laanqerta cas Richard Gordon ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka ay ku dadaalan inay xirtaan maskarada, kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqista wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here