Hay’adda UNHCR oo sheegtay in rabshadaha Nigeria ay ku barakaceen 20,000 qof

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in rabshada ka taagan wadanka Nigeria ay 20,000 oo qof ku qasbeen inay guriyahooda ka barakacaan.
Dhibaatooyinka ka jira waqooyiga galbeed ee Nigeria ayaa barakacayaasha u horseeday inay magan galyo ka raadsadaan wadanka dariska la ah ee Niger tan iyo bishii afaraad.
Hay’addan ayaa hoosta ka xariiqday in barakicintan aanan lala xariirin Karin kooxda Boko Haram.
UNHCR ayaa sheegtay in dadka ay u barakacayaan sababo kala duwan sida isku dhacyo u dhaxeeyo beeraleyda iyo qowmiyada xoolo dhaqatada oo ka soo kala jeedo qowmiyado kala duwan iyo sidookale afduubasho madax furasho lagu raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here