Hay’adda USAID iyo ismaamulka Isiolo oo heshiis saxiixday

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay in hay’adda Maraykanka ee horumarka caalamiga ee USAID ay heshiis la saxiixatay dowlad deegaanka Isiolo.
Labadan dhinac ayaa qalinka ku duugay is-afgarad ku saabsan in ay ka go’an tahay in mashaariicda horumarineed laga fuliyo Isiolo.
Waxay isla meel dhigeen in heshiiskan uu yahay mid ku saleysan hirgelinta mashaariicda ay shacabka daneynayaan.
Agaasimaha howlaha hay’adda USAID Mark Meassick ayaa sheegay inay wax ka beddelayaan qaabkii ay u shaqeyn jireen.
Wuxuu intaas ku daray inay doonayaan in barnaamijyadooda ay noqdaan kuwo ay aasaasaan, dhaqangeliyaan sido kale qiimeeyaan iyadoo la tixgelinaya dhibaatooyinka dadweynaha haysta.
Tani waxay micnaheedu tahay in USAID iyo ismaamulka Isiolo ay ka wada shaqeyn doonaan isku duba ridka howlaha kala duwan, qorshayaasha , dejinta barnaamjiyada cusub, miisaaniyadda ,in mudnaanta koowaad la siiyo arrimaha la isla garto, dabagal iyo qiimeyn si wdaajir ah loo sameeyo, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta danaha shacabka.
Waxaa heshiiska wada saxiixay agaasimaha howlaha USAID Mark Meassick iyo barasaabka Isiolo Dr. Maxamad Kuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here