Hay’adda USAID oo maanta heshiis la saxiixanaysa ismaamulka Makueni

Hay’adda Maraykanka ee horumarinta caalamiga ee USAID ayaa lagu wadaa inay maanta heshiis la saxiixato dowladda ismaamulka Makueni.
Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugi doonaa ka hor 10-ka barqanimo.
Waxaa wada saxiixi doono agaasimaha howlaha hay’adda Mark Meassick iyo barasaabka dowlad deegaanka Makueni Prof. Kivutha Kibwana.
Sido kale waxaa madasha is-afgaradkan lagu saxiixaya goobjoog ka ahaan doono gacan yaraha ku xigeenka maamulaha hay’adda USAID ,Greg Collins iyo wasiirka beeraha ee Makueni Rael Muthoka.
Bayaan ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Qoraalka waxaa qeyb ka ah in dowladda Maraykanka ay doonayso inay sare u qaado ganacsiga iyo maalgashiga laba geesoodka ee kala dhexeya Kenya.
Heshiiska ayaa lagu saxiixaya maqaaxida Kusyombunguo ee Makueni .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here