Hay’adda WFP oo kaalin ka qaadanaysa in cunno la gaarsiiyo dadka ay fatahaadaha saameeyeen

Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa billowday inay dowladda dhexe garab ku siiso in gargaar loo fidiyo dadka ay daadadka saameeyeen ee ku nool qeybo ka mid ah wadanka.
Arrintan ayaa timid kaddib markii WFP uu codsi uga yimid dowladda si gurmadka diyaarado loogu adeegsado.
Meelaha gargaarkan la gaarsiinaya waxaa ka mid ah ismaamulada gobolka waqooyi bari oo waddooyinka qaar aynan wanaagsaneyn.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa sheegay in ilaa iyo hadda saameeynta ka dhalatay roobabka xooggan ee da’ay ay ka mid tahay dhimashada 38 qof , in ka badan 10,000 oo xoolo ah halka 11,700 kalena ay qoysaskooda ka barakaceen.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa, ayaa sheegay inay codsadeen tageerada hay’adda WFP si wax looga qabto caqabadaha ay wajahayaan.
Agaasimaha hay’addan ee dalka Annalisa Conte ayaa dowlada Kenya ku ammaantay dadaalada ay waddo ee lagu badbaadinayo nolosha dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here