Hay’adda WHO oo digniin u dirtay Afrika

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dowladaha dalalka Afrika uga digtay inay fududeeyaan xayiraadaha lagu xakameynaya faafitaanka coronavirus kaddib markii xaaladaha caabuqa ee laga diiwaangeliyay gudaha qaaradda ay laba jibaarmeen bishii ugu dambeysay.
Agaasimaha WHO ee Afrika Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay in ka badan 20 wadan ay kiisas dheeraad ah xaqiijiyeen.
Dhanka kale Dalka Spain ayaa maalinkii labaad oo xiriir ah laga xaqiijiyay in ka badan 1,000 xaaladood oo coronavirus ah.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee halkaas laga diiwaangeliyo tan iyo markii xayiraado horay loo soo saaray la qaaday bishii lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here