Hay’ado doonaya in la cadeeyo qaabka loo adeegsanaya lacagaha COVID19

Qaar ka mid ah hay’adaha u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka ayaa wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani u gudbiyay dacwad ay ku doonayaan in la faahfaahiyo sida loo isticmaalaya lacagaha loogu talagalay wax ka qabashada cudurka COVID19.
Wasiirka ayay ka dalbadeen inuu soo saaro tallaabooyin lagu xaqiijinaya in dhaqaalahan loo adeegsado si daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku saleysan.
Waxaa saraakiishan hor kacaysa agaasimaha guud ee hay’adda caalamiga ee Transparency laanteeda Kenya Sheila Masinde.
Sido kale hay’adahan ayaa dalbanaya in maamulka maareeya soo iibsashada agabka uu soo bandhigo tilmaamooyin degdeg ah muddo 30 cisho gudahood.
Dacwaddan loo gudbiyay wasiirka maaliyadda ayaa ku soo aadaysa iyadoo weli ay socdaan baaritaano la xiriira lacago la sheegay in lagu musuqmaasuqay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee (KEMSA).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here