Heerka saboolnimada ee dalka Angola oo gaartay 41%

Heerka saboolnimada ee dalka Angola ayaa gaartay 41 boqolkiiba, taasoo la micno ah in ilaa 10- kii qofba 4 ay ka hooseeyaan khadka saboolnimada.
Sida warbixinta saboolnimadda ee Angola lagu sheegay dadkan ayaa bishiiba isticmaalaa 21 doolar.
Heerka saboolnimada ee meelaha miyiga ayaa ah 57 boqolkiiba, waxayna laba jibaar ka sareeyaan meelaha magaalooyinka, taasoo ah 29 boqolkiiba, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay Machadka Tirakoobka Qaranka ee Angola.
Gobolka Luanda ayaa ah kan ugu hooseeya heerka saboolnimada 20 boqolkiiba, halka gobolka Cunene iyo gobolka Moxico ay heerarka saboolnimadda gaareen 62 boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here