Heerka shaqao la’aanta Ingriiska oo sare u kacday

Waxaa sare u kacday heerka shaqo la’anta boqortooyada Ingriiska iyo dadka dalbanaya caawimaada dawladda fayraska koroona awadii.
Xafiiska tirakoobka qaran ee dalkaasi ayaa sheegay in dadka dalbaday caawimaada shaqo la’aanta awgeed oo horay ahayd 856,500 qof ayna hadda gaartay 2,097,000 .
Spain ayaa xayiraada ka qaaday duulimaadyada tooska ah ee ka imanayay dalka Taliyaaniga taas oo lagu soo rogay 11-kii bishii Maarso.
Balse dhamaan rakaabka ka imaanaya dalkani ayaa ku qasbanaan doona in la karantiilo muddo labo toddobaad ah si lamid ah kuwa dalalka kale.
Shiinaha ayaa sheegay in Mareykanka uu isku dayayo in uu ka talaabsado mas’uuliyad darrada ah in uu maareeyn waayey fayraska korona, mar uu ka jawaabayay warqadda Trump ee uu ku hanjabay in uu joojin doono dhaqaalaha uu siiyo WHO.
Saraakiisha magaaladda Shulan ee dalka Shiinaha ayaa adkeeyay xayiraadaha ka dib markii la diiwaan geliyay kiisas cusub oo ah cudurka COVID-19.
Magaalada Shulan oo dhacda Waqooyi Bari Shiinaha ayaa tan iyo 7-dii bishan waxaa laga diiwaan geliyay 19 kiis oo dhamaantood ah gudaha.
Carruurta New South Wales ee dalka Australia ayaa laga bilaabo isbuuca danbe dib ugu laaban doona dugsiyada sida ay sheegtay madaxa gobolka Gladys Berejiklian.
Dalka Ruushka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xaqiijiyay 9,263 kiis oo cusub iyo dhimashada 115 qof.
Waxaa dalkan ila iyo hadda fayraska corona laga helay 299,941 qof halka ay u dhinteen 2,837 qof.
Indonesia waxaa la xaqiijiyay 486 kiis oo cusub iyo dhimashada 30, waxayna tirada guud ee kiisaska hadda yihiin 18,496 halka dhimashadu ay tahay 1,221.
Guud ahaan caalamka waxaa fayraska uu ku dhacay in ka badan 4.9 milyan oo qof, halka ay u dhinteen ku dhawaad 320,000 oo qof.
Waxaa ka bogsaday in ka badan 1.9 milyan oo qof.
Qaaradda Afrika waxuu COVID-19 haleelay 90,000 oo qof, waxaa uu dhintay 2,800 oo qof halka ay kasoo kabateen ku dhawad 35,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here