Heshiis laga gaaray xilliga la qabanayo doorashooyinka Soomaaliya

Kulamo ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku heshiiyeen xilliga la qabanayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay ku heshiiyeen in Kursiga ugu horeyo ee doorashada Barlamaanka Aqalka sare la doorto 15-ka October ilaa 25-ka November 2020,halka la isku raacay in doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ay dhacdo 15-ka November ilaa 15-ka Janaayo.
Sido kale warar horu dhac ah ayaa sheegaya in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso 8-da bisha Febaraayo 2021,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeystay in waqtigeeda aysan dhaafin doorashada.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Guddiga farsamada ee doorashooyinka heer Federal iyo heer Dowlad Gobaleed lagu heshiiyay, isla markaana dhawaan la soo magacaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here