Heshiis lagu soo afjaraya dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh oo la saxiixay

Wadamada Armenia, Azerbaijan iyo Ruushka ayaa saxiixay heshiis la doonayo in xal loogu helo colaadda ka taagan gobolka Nagorno-Karabakh.
Gobolkan oo ay ku muransan yihiin dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayay isku dhacyo ka jireen tan iyo 27-kii bishii sagalaad ee sannadkan.
Ruushka ayaa hadda ku howlan dhexdhexaadinta labadan dal.
Ra’iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan ayaa sheegay in heshiiska uu maanta si rasmi ah u dhaqangalaya.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray inuu qaatay go’aanka uu ku saxiixay xabad joojinta kaddib markii ciidamada militariga ay ku adkeysteen.
Dagaallada waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay ugu yaraan 1,000 qof.
Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev oo la kulmay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa xusay in isafgaradkan hor leh uu kaalin weyn ka qaadanayo nabadeynta gobolka bilooyinkii ugu dambeeyay ay xasilooni darrada ka jirtay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo nabadsugid la geyn doono gobolka Nagorno-Karabakh.
Madaxa gobolkan Arayik Harutyunyan ayaa barta Facebook-ga ku sheegay in la wada qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan colaadda loo soo afjaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here