Heshiiska doorashada oo la hor geenayo xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Beri oo Sabti ah ay yeeshaan kulan wadajir ah kaas oo loogu codeynayo doorashada Soomaaliya.
Guddoonka labada Aqal ayaa shaaciyay in Ajandaha Kulanka Beri uu yahay u Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21.
Guddoonka ayaa farriin u diray labada Aqal, iyaga oo ka dalbaday in kulanka Beri ay ka soo qeyb galan, waxaana kulanka goobjoog ka noqon doona Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo heshiiska doorashada oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si cad uga soo horjeeda, balse inta badan Xildhibaannada Aqalka Sare ay taageersan yihiin heshiiska.
Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa dadaal badan u galay in la ansixiyo heshiiska doorashooyinka, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto degaanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here