Hindisaha lagu beddelayo dastuurka oo laga diiday Kiambu

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ayaa dhinac isaga dhigay hindise sharciyeedka loo yaqaano Punguza Mzigo ee uu soo saaray xisbiga Thirdway Alliance.
Hoggaamiyaha xisbigan Dr.Ekuru Aukot ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay dadaal ugu jiray in wakiilada golayaasha hoose ee ismaamulada uu ka dhaadhiciyo inay hindisahan ansaxiyaan.
Waxaa uu soo jeedinaya in si loo yareeyo culeyska dhanka hoggaanka ee dalka ka jiro la dhimo tirada xildhibaanada sido kalena meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee golayaasha kala duwan.
Kiambu ayaa noqonaysa ismaamulkii ugu dambeeyay ee aan laga ansaxin soojeedinta Aukot.
Guddoomiyaha golahaasi u qaabilsan dhangalinta shuruucda Ms Yvonne Wanjiku, ayaa sheegtay in aan qorshaha Aukot la ansaxin Karin maadaama ay ku tilmaantay mid dani qorsoon laga leeyahay.
Waxay intaasi ku dartay in ansaxinta hindise sharciyeedkan uu keenayo matalaad heer qaran oo aan isku dheeli tirneeyn sidaasi awgeedna aynan teegeereynin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Kiambu ,Gideon Gachara ayaa isna xusay in soojeedinta la hor dhigay ay u muuqato mid aan caqli-gal ahayn.
Dr. Ekurur Aukot, madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayay horay dharbaaxo xooggan u soo gaartay kaddib markii hindisaha sharciyeed ee uu wado laga diiday ismaamulada Siaya, Homa Bay iyo Murang’a halka laga ansaxiyay Uasin Gishu oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here