Hindisaha lagu beddelayo dastuurka oo laga diiday Kisii

Ismaamulka Kisii ayaa noqday dowlad deegaankii toddobaad ee wakiilada golaha hoose ay dhinac isaga dhigaan hindise sharciyeedka wax looga beddelayo dastuurka wadanka u degsan ee loogu magacdaray “Punguza Mzigo” oo ay micnaheedu tahay culeyska hala yareeyo.
Waxaa ololahan hor kacaya madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr.Ekuru Aukot oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dadaal ku bixinayay in qorshihiisa la taageero isagoo socdaal ku tagay ismaamulo dhowr ah.
Wakiilada laga soo doortay deegaanada hoose ee ismaamulka Kisii ayaan ansaxin hindise sharciyeedkan.
In kastoo golaha la hor dhigay hase ahaate ma jirin cid taageertay.
Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ama woodka Sensi ,Paul Angwenyi ayaa hindisahan golaha u bandhigay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii la ansaxiyo uu meesha ka saarayo horumarada wadanka uu ku tallaabsaday.
Waxyaabaha ololaha Aukot iyo hindisaha uu wado lagu soo jeedinayo waxaa ka mid in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka ee matalo shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee dalka.
Sido kale Aukot ayaa ku talinaya in meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee baarlamaanka, aqalka sare iyo golayaasha ismaamulada.
Mr. Paul ayaa sheegay in aynan marnba caqli gal ahayn in shaqa la’aan ay noqdaan 24 qof oo golaha Kisii si magacaabid ah ku galay.
Protus Moindi oo ka mid ah wakiilada ismaamulkaasi ayaa isna xusay inaan loo baahneyn oo keliya in hindise sharciyeedkan la rido balse sida uu hadalka u dhigay la cambaareeyo cida ka dambeysa.
Waxaa wakiilada Kisii ka sii horreeyay dhiggooda golaha hoose ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka oo Punguza Mzigo dhinac isaga dhigay.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Kiambu u qaabilsan dhangalinta shuruucda Ms Yvonne Wanjiku, ayaa sheegtay in aan qorshaha Aukot la ansaxin Karin maadaama ay ku tilmaantay mid dani qorsoon laga leeyahay.
Waxay intaasi ku dartay in ansaxinta hindise sharciyeedkan uu keenayo matalaad heer qaran oo aan isku dheeli tirneeyn sidaasi awgeedna aynan teegeereynin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Kiambu ,Gideon Gachara ayaa isna xusay in soojeedinta xisbiga Thirdway Alliance ay u muuqato mid aan lagu tallaaba qaadi Karin.
Dr. Ekurur Aukot, madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayay horay dharbaaxo xooggan u soo gaartay kaddib markii hindisa sharciyeedka uu wado laga diiday ismaamulo ay ka mid yihiin Siaya, Homa Bay iyo Murang’a halka laga ansaxiyay Uasin Gishu oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here