Hindise sharciyeed ku saabsan in ismaamul kasta uu lahaado isbitaal heer qaran ah

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay, Gladys Wanga ayaa soo saartay hindise sharciyeed ay doonayso in baarlamaanka uu ansaxiyo si dhammaan 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay ay u lahaadaan isbitaallo waaweyn.
Hindisahan ayaa lagu wadaa in la hor geeyo golaha qaran ee xeer-dejinta.
Waxaa sharcigan loogu magacdaray The National Referral Health Facilities Bill, 2020.
Sido kale waxaa uu soo jeedinaya in isbitaallada heerka shanaad la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee loo yaqaano referral si bukaankii daaweyn loo geeyo aan looga soo wareejin.
Ms Wanga ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in soo jeedinteeda uu baarlamaanka tixgelin doono ka hor dhammaadka sannadkan.
Waxaa marka ugu horreysa golaha laga hor akhrin doonaa dabayaaqada bishan.
Gudaha dalka waxaa hadda ku yaalla lix isbitaal oo waaweyn oo heer qaran ah waxayna kala yihiin Kenyatta University Teaching and Referral Hospital, KNH , Othaya Teaching and Referral Hospital, Moi Teaching and Referral Hospital, Mathari National Teaching and Referral Hospital iyo National Spinal Injury Referral Hospital.
Ismaamullada ay ku yaallan isbitaallada heerka shanaad waxaa ka mid ah Meru, Embu, Garissa, Kakamega Kisii, Kisumu, Machakos, Mombasa, Nakuru iyo Nyeri.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa sido kale soo jeedisay in lacagta ay dowladda dhexe siiso ismaamullada leh isbitaallada heerka shanaad oo dhan 4.3 bilyan oo shilin si toos ah loogu wareejiyo xarumahan caafimaad.
Ms Wanga ayaa hoosta ka xarriiqday in hadii hindise sharciyeedkan la meel mariyo la yareyn doono ciriiriga ka jiro isbitaalka qaran ee KNH ee magaalada Nairobi.
Haweeneydan ayaa xustay in loo baahan yahay in ismaamullada laga fuliyo adeegyada caafimaad ee gaarka ah si loo dhimo tirada bukaanka ee u soo safraya caasimadda dalka si loogu daweeyo isbitaalka weyn ee Kenyatta.
Xafiiska baarlamaanka u qaabilsan arrimaha misaaniyadda ayaa dhanka kale sheegay in isbitaallo heer qaran oo laga dhiso dhammaan 47-da ismaamul ay ku baxayso lacag dhan 236 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here