Hindise sharciyeed la doonayo in xal loogu helo shaqa la’aanta dhalinyarada

Dhalinyarada jaamacadaha dalka ka qalin jabiyay ee ay shaqa la’aanta haysato ayaa nafisi doono haddii baarlamaanka dalka uu ansaxiyo hindise sharciyeed ku aaddan in isbeddel lagu sameeyo qaabka shaqaleysiinta.
Hindisahan ayaa dhigaya in shirkadaha iyo waaxyaha kala duwan ee dowladda ay ardaydan siiyaan fursado tababaro ah iyagoo mushaar qaadanaya.
Waxay micnaheedu tahay in arday kasta oo haysta shahaadada diploma bil waliba uu qaadan doono mushaar dhan 25,000 oo shilin.
Sido kale dhalinyarada shaqa la’aanta ah ee aan shahaadadaasi haysan ayaa loo dhiibaya xilal ay ka soo bixi karaan iyagoo helay 3000 oo shilin oo gunnooyin ah.
Hindisahan ayaa waxaa soo jeediyay xildhibaanka deegaanka Saboti Caleb Amisi iyo dhigiisa Kimilili , Didmus Barasa .
Waxay sheegeen in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii da’yarta loogu fududeyn lahaa xaaladaha dhaqaale ee soo wajaha.
Hay’adda horumarka ee qaramada midoobay ee UNDP ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in 2.6 milyan oo dhalinyaro ah ay shaqa la’aan yihiin.
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here