Hindise sharciyeedka Aukot oo Laga Diiday Busia

Xisbiga Thirdway Alliance ee uu hoggaamiyo Dr. Ekuru Aukot ayay dharbaaxo  kale soo gaartay kaddib markii wakiilada  golaha hoose ee ismaamulka Busia ay dhinac isaga  dhigeen  hindisaha  la doonayo  in wax looga beddelo dastuurka dalka.

Soojeedinta   Punguza  Mzigo  oo ay micnaheedu tahay  hala  yareeyo culeyska dhanka hoggaanka ayay  wakiilada  Busia  ka doodeen  saddex saacadood.

Guddoomiyaha golahaasi   Benard Wamalwa ayaa  xubnaha u bandhigay  hindise sharciyeedka   hasa ahaate waxay ka gaabsadeen inay codkooda ku taageeraan.

Aukot ayaa doonaya in  la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka sido kalena meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee golayaasha kala duwan.

Waxaa uu sido kale ku talinayaa in madaxweynaha dalka uu talada hayo  muddo xileed 7 sano ah.

Aukot ayaa waxaa soojeedintiisa ka mid ah  in  dhaqaalaha loo qoondeeyo ismaamulada wadanka  oo hadda ah  boqolkiiba 15 in laga dhigo boqolkiiba 35.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here