Hindise sharciyeedka Punguza Mizigo oo laga gudbay

Waxay u muuqataa inay soo dhammaatay rajadii xisbiga Thirdway Alliance uu ka qabay meel marinta hinidise sharciyeedka Punguza Mizigo ee uu hor kacayay Dr. Ekuru Aukot.
Ilaa galinkii dambe ee shalay 31 ka mid ah ismaamulada dalka ayaan laga ansaxin ku tallaaba qaadka soojeedinta Aukot.
Waxaa ilaa iyo hadda ansaxiyay oo keliya wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu.
Sharciga dalka ayaa dhigaya in iskuday kasta oo ku aaddan in dastuurka la beddelo ay cod ku taageraan wakiilada 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanku ka koobanyahay taasi oo aan dhicin.
Dowladda deegaanada ugu dambeeyay ee dhinac isaga dhigay ayaa kala ah Nyandarua ,Machakos ,Meru, Kisumu, Garissa Tana River ,Mombasa, Kitui, Isiolo, Marsabit, Vihiga and Kilifi.
Waxyaabaha ay wakiilada go’aankooda ku saleynayaan waxaa ka mid ah in hindisahan uu dib u dhac ku keenayo horumarka wadanka uu gaaray tan iyo markii 2013-kii la dhaqangeliyay nidaamka dowlad wadaajinta.
Dr. Aukot ayaa soo jeedinaya in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka oo hadda ah 416 oo lagu soo reebo 147 oo keliya.
Sido kale waxaa uu doonaya in meesha laga saaro xilalka siyaasadeed ee magacaabidda iyo jagada ku xigeenka barasaabka ismaamulka.
Aukot ayaa ku talinaya in madaxweynaha dalka uu hoggaanka hayo muddo xileed hal mar ah oo ka kooban toddobo sano.
Waxaa uu sido kale u ololeynaya in la dhimo mushaarka madaxweynaha oo laga dhigo 500 oo kun iyo in xildhibaanada ay bil waliba qaataan 300 oo kun oo shilin.
Hoggaamiyaha Thirdway Alliance ayaa dhanka kale dadaal ku bixinaya in miisaaniyadda loo qoondeeyo ismaamulada dalka oo hadda ah boqolkiiba 15 inay noqoto boqolkiiba 35.
Waxyaabaha kale ee uu hindise sharciyeedkan xambaarsanyahay ayaa waxaa ka mid ah in la xoojiyo oo awood dheeraad ah la siiyo aqalka sare, in dacwadaha ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo gabagabeeyo 30 maalmood sido kalena dib u eegis lagu sameeyo guddiyada madaxa bannaan ee wadanka ka jiro.
Aukot ayaa sheegay in hadii soojeedintiisa la qaato muddo shan sano gudaheed ah wadanka uunan lumin doonin dhaqaale gaaraya 3.78 tiriiliyoon oo shilin.
Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa dhawaan sheegay in sababaha ay wakiilada dhinac isaga dhigayaan soojeedintiisa aynan ahayn kuwo macquul ah.
Waxaa uu ku doodaya in qaar ka mid ah golayaasha ismaamulada dalka aynan xita ka doodin waxyaabaha la soo jeedinayo, in la sheegay inaan dadweynaha laga qeybgelin balse sida uu hadalka u dhigay taasi ay waxba kama jiraan tahay iyo in saameyn ay kaga timid xisbiyada ay wakiilada diiday ka tirsanyihiin oo xita laaluush lagu bixiyay in kastoo uunan soo bandhigin wax caddeyn ah oo uu taasi u cuskanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here