Raysal wasaaraha Hindiya oo difaacayaa sharciga muranka badan dhaliyay

Raysal wasaaraha hiniya  Narendra Modi, ayaa sheegaya in xeerka jinsiyeynta soo galootiga uusan ka horjeedin Muslimiinta, iyadoo gadoodyada ka sii socdaan dalka oo dhan.

mr Modi, ayaa  soo hor istaagay isu soo baxayaal, si uu u daahfuro ololaha xisbigiisa Bharatiya Janata Party (BJP) ee doorashada golaha wakiillada, taasi oo ku beegan bisha February ee soo socota ayaa durba carrabka ku kuftay  ka hadalka sharciga muranka dhaliyay.

“Sharcigan ma saameynayo 1.3 billion oo reer Hindiya ah, waana in aan u xaqiijiyaa Muslimiinta Hindida, in uusan sharcigan waxba ka bedeleynin” ayuu yiri, Modi, isagoo ku daray in dowladdiisu ay soo saareyso sharciyo dib-u-habeyn ah oo aan diinna ka jirin.

Waxa uu soo qaaday wax uu ku tilmaamay dad marin habaabinaya dadweynaha.

“Dadka isku dayaya inay horboodaan Beenta iyo Baqdinta, waxa aad eegtaan shaqadeyda, haddii ay kala qeybsanaan ku jirto, u bandhiga dunida” ayuu yiri  mr Narendra Modi.

Raysal wasaaraha, waxa uu carrabka ku dhuftay inay dhinteen 23 qofood tan iyo markii la meelmariyay sharciga.

Sharciga Muwaadinnimada ee ay horraantii bishan baarlamaanka ansixiyeen ayaa u ogolaanaya dadka ka soo jeeda saddex dal oo kala ah; Bangaaladesh, Baakistan iyo Afgaanistan ee heysta Hinduus, Kirishtaan iyo diimaha kale ee laga tirada badan yahay inay dhalashada Hindiya heli karaan marka ay doonaan, laakin haddii ay Muslimiin yihiin sharciga wuu ka saarayaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here