Hirshabeelle iyo Amisom oo amniga doorashada ka wada hadlay

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Magaalada Jowhar kula kulmay Madax ka tirsan Hay’adaha UN-ka u qaabilsan degaannada Hir-Shabeelle,Saraakiil Ciidanka AMISOM & kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka iyo Taliyaha ciidanka AMISOM ee Sector 5,Saraakiisha ciidanka Hirshabelle iyo kuwa dowlada dhexe ayaa waxaay ka wada hadleen sidii looga wada qeyb qaadan lahaa sugitaanka Amniga doorashooyinka isxiga ee heer federal & heer Maamul Goboleed oo dhawaan bilaabanaya deegaanada Maamulka Hirshabeelle.
Kulankaan dhex-maray Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle & Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay Magaalada Jowhar geysay Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Haramcad, si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga doorashooyinka ka dhacaya deegaanada Maamulkaas ee labda waji kale ah kuwa Fedraalka iyo kuwa dhismaha maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here