Hirshabeelle oo faahfaahisay diyaarad ku dhacday Beledweyne

Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday Garoonka, islamarkaana la waayay dabdamis, maadaama uusan la aheyn Garoonka Ugaas Khaliif
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare nafadeed oo ka dhashay diyaaraddaan, laakiin ay ku gubteen wixii saarnaa.
Sababta dhalisay dabka diyaaradda ka kacay ayaa lagu sheegay in diyaaraddu markii ay soo caga dhigatay mid ka mid ah taayirada uu u baxay taas oo keentay in ay ka baxdo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan isla markaana dab qabsaday
Diyaarada ayaa ka soo duushay dalka Jabuuti iyadoona ka diiwangashan dakani kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here