Hogaamiyaasha Bomet oo ka tacsiyadeeyay geerida gudoomiyahooda

Hogaamiyaasha ismaamul goboleedka Bomet ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii shalay ku timid gudoomiyaha ismamaulkaasi Joyce Laboso.
Mrs Laboso oo ku geeriyootay da’da 58 sano jir ayaa u dhimatay cudurka kansarka waxaana ayna 14-kii bishan ku soo laabatay dalka xili ay daaweyn ugu maqneed wadamada Ingriiska iyo Hindiya.
Waxaana wali isa soo tarayaa tacsida ay qoyska ay ka baxday haweenaydaasi u dirayaan mas’uuliyiinta dalka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ku xigeenkiisa William Ruto,Raisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa ka tacsiyadeeyay dhimashada Joyce Laboso.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in Joyce Laboso ay ahayd hogaamiye wanaagsan oo dumar ah .
Mas’uuliyiinta dalka ayaa walaac ka muujiyay cudurka kansarka oo dhibaato ku haya Kenyaanka .
4 bari ka hor ayay ahayd markii xildhibaanka Kibra Ken Okoth uu u geeriyooday cudurka kansarka waxaana ka sii horeeyay madaxii shirkadda safaaricom ee Bob Collymore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here