Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horeesay ka soo muuqday fagaaraha todobaadyo kaddib

Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi.
Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.
Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn.
Wararka la isladhexmarayay ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sannad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada awoowgii oo ku beegneyd 15-kii bishii April.
Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska awowgii – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.
Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here