Hogaamiyaha mucaaradka Burundi oo gudbiyay dacwad ka dhan ah doorashada madaxweynaha

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Burundi Agathon Rwasa

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Burundi Agathon Rwasa ayaa Khamiistii u gudbiyay dacwad maxkamadda dastuuriga ah taas oo uu kaga soo hor jeedo natiijada doorashadii madaxtinimada ee todobaadkii hore, isaga oo sheegay in uu hayo caddeyn ah in wax la isdaba mariyay.
Guddiga doorashooyinka Burundi ayaa sheegay Isniintii in murashaxa xisbiga talada haya, Jeneral Evariste Ndayishimiye, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada isagoo helay boqolkiiba 69% codadkii la dhiibtay.
Guddiga ayaa sheegay in Mr Rwasa uu helay 24% boqolkiiba ee codka.
Gudoomiyaha komishanka Pierre Claver Kazihise ayaa sheegay in dadka ay si weyn ugu soo baxeen codeynta oo doorashaduna ahayd mid nabad ah.
Codbixinta 20-kii May ee lagu beddelayay Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa si kastaba ha ahaatee waxaa harreeray rabshado siyaasadeed oo ay ka mid yihiin qabqabashada, jirdilka iyo dilka xubnaha u dhaqdhaqaaqa mucaaradka, sida ay sheegeen koox u dooda xuquuqda aadana.
Waxaa kale oo jiray muran ku saabsan qabashada doorashada inta lagu guda jiro musiibada korona.
Boqolaal reer Burundi ah ayaa la dilay halka boqolaal kun oo kale la musaafuriyay kadib rabshado ka dhacay doorashadii ugu dambeysay ee sanadkii 2015, markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Nkurunziza inuu jebiyay heshiis nabadeed isagoo mar saddexaad tartamay.
Rwasa wuxuu sheegay in caddeynta uu hor geeyay maxkamadda ay muujinayso in la adeegsaday aqoonsiyada codbixiyaal dhintay iyo adeegsiga diiwaangelinta codbixinta oo aan waligeed daabicin guddiga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here