Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka oo la sumeeyay

Hogaamiyiha Mucaaradka wadanka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sumeeyay isaga oo hada ku jira xaalad liidata oo halis ah.
Waxa uu ka soo duulayay Seberia isagoo u soo socday Moscow waxaana looga shiki sanyahay in lagu sumeeyay waxyaaba loogu daray shaax uu cabay subixii marka uu soo baxayay.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in suntu jirkiisa si dhaqsa ah ugu faaftay iyadoo hada isbitaalka lagula tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.
Siyaasigan ayaa waxaa uu ku jiraa isbitaalka qeybtiisa xaaladda deg deg ah isagoona qaadanayo neef caawiyaha ama oygenka sida ay sheegtay afhayeenkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here