Hogaamiyaha ruuxiga Iran oo maanta salaada Jimcaha ku hogaaminaya dadweyne badan

Aayatullah Cali Khamenei Hogaamiyaha ruuxiga Iiraan ayaa maanta salaadda jimcaha dadweyne ku hogaamiyay misaajid ku yaala caasimadda Iiraan ee Tehran.
Muddo 8 sano ah ayaa laga jooga markii uu sidan oo kale uu dadweyne dalkaas tujiyo salaadda jimcaha.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli dalkaas ay ka taagan yihiin dibadbaxyo ballaaran oo ka dhashay diyaaraddii Ukraine laga laha ay militariga Iiraan soo rideen toddobaadkii lasoo dhaafay.
Khamenei waxaa soo wajahay cadaadis xooggan oo ka dhashay dhaqaale xumida kaddib cunaqabateynta Mareykanka ee kusoo rogay Iiraan.
shacabka Iran ayaa laga codsaday inay si weyn ugu dadaalaan midnimadda
Millitiriga Iran ayaa loogu baaqay inay sharaxaad ka bixiyaan sida ay u soo dhacday diyaaradii ay rakaabka badan ku dhinteen oo laga lahaa dalka Ukraine taas oo ku burburtay wadanka Iran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here