Hogaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance oo soo jeediyay in la dhimo mushaarka madaxda

Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa doonaya in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, siyaasiyiinta iyo saraakiisha sarsare ee dowladda ay saameeyaan mishaar dhimis isla markaana ay lacago ugu deeqaan dadka dakhligoodu hooseeyo si looga hortaga saameynta cudurka saf-marka ee coronavirus.
Madaxda kale ee uu ugu baaqay in ay wax ka dhimaan mushaarkooda ayaa kala ah madaxweyna ku xigeenka, wasiirrada, xoghayayaasha wasaaradaha, barasaabyada , ku xigeenadooda , wasiirrada ismaamullada dalka iyo madaxda shirkadaha Dowladda.
Waxaa uu qoraalkiisa Dr. Aukot ku daray in waqtiyadan oo kale oo adduunka uu la daala dhacaya cudurka coronavirus laga doonaya hoggaamiyayaasha inay musharka ay qaataan ay dhimaan oo ayna u hiraan si loogu caawiya dadka saboolka.
Qoraalka ayuu siyaasigan maalinkii Axadda u diray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dr .Aukot waxaa uu sidoo kale dhaleeceeyay tallaabada dowladda ee ku aaddan in dadka ay guriyahooda ka soo shaqeeyaan isagoo ku doodaya inay caqabad ku tahay dhaqaalaha dalka.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayaa soo jeediyay in lala yimaado tallaabooyin ay ka mid tahay in Kenya ay gorgortan ka gasho deymaha lagu leeyahay sido kalena hakad la geliyo mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here