Hogaamiyaha Xisbiga Wada jir oo dowlada eedaymo u jeediyay.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame sidoo kalena ah hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda Soomaaliya inay u adeegsaneyso xubno uu sheegay inay Xiriir la leeyihiin waxa argagaxisada loogu yeero sida uu hadalkiisa u dhigay.
Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inuu ugu baaqayo inay jiraan dad dagaal uu kala dhaxeeyo loogana baahan yahay inay ogaadaan hadii dhibaato loo geysto,isaga iyo Xubnaha kale ee ku jira Xisbigiisa Wadajir isagoo sidoo kale eedeeyay Wadaado uu sheegay inay dowlada Soomaaliya la shaqeeyaan.
C/raxmaan C/shakuur wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday dilkii Magaalada gaalkacyo loogu gaystay wadaadkii lagu Magacaabi Jiray C/wali sh Cali Cilmi Yare iyo dad uu sheegay inay ka danbeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here