Dhageeyso:Hogaamiyaha Xisbiga wadajir oo sheegay in Ciidanka arimaha siyaasadeed loo adeegsanayo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamul goboleedka Soomaaliyee ee Galmudug ayaa sheegay in shalay Ra’iisul Wasaariii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre laga celiyay inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho.
C/raxmaan C/shakuur Waxaa uu sheegay in Ciidamada qalabka sida loo adeegsanayo arimo siyaasadeed sida uu hadalkiisa u dhigay taasoo uu xusay inay tahay caqabad.
Waxa uu dowlada dhexe ku eedeeyay inay arimaha siyaasadad ciidanka loo adeegsanayo sidoo kalena wax aan ahayn waajibaadka ciidanka loo diro sida uu sheegay.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Sar sare ee dowladda Federaalka weli kama hadlin hadalkaan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ee ahaa in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre loo diiday shalay inuu ka dhoofo Garoonka Aadan-Cadde.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here