Hogaamiyeyaasha Galmudug oo si kulul uga hadlay iska Hor imaad dhuusamareeb ka dhacay

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ee ay dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxa looga hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo qaabkii uu ku bilaawdey,iyadoo eedeyn loogu jeediyey hoggaanka Ahlusunna.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Gaari Ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlusnna uu rasaas ku furay Koontorool ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya,isla markaana Xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdo wax lagu sheegay xaalad abuur ah sida qoraalka loo dhigay.
Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Garabka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna sida qaraalkaas lagu sheegay.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu Xusay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna,sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay ay wadeen xiisado keeni kara dagaal.
Marka laga soo tago qoraalada is eedeynta ah ee kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna ayaa wararka Dhuusamareeb laga helayo waxaa ay sheegayaan in dadka Shacabka ah ee deganaa Goobaha u dhow Xarumaha Maamulka galmudug iyo kuwa Hoggaanka Ahlusunna ay isaga barakaceen Halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanana ah laga dareemayo Magaalada,sida ay bahaisay warbaahinta gudaha Soomaaliya Dagaalkaan ayaa yimid,kadib markii Gaari nooca dagaalka ah oo kasoo baxay Xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin hogaanka Ahlusunna uu jiirey Bar koontorol oo Ciidanka Dowladda ku leeyihiin meel u dhow Xaruntaas,waxaana halkaasi ka dhacay israsaaseyn socotay kin ka badan 40 Daqiiqo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kala ah laba qof oo Shacab ah iyo askari ka tirsan dhinacyadii dagaalamay.
Labada dhinac ee hogaanka Ahlusune iyo maamulka galmudug ayaana midba kan kale ku eedeeyay wixii xalay ka dhacay Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here