Hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya oo shir uu kaga Furmayo dhuusamareeb.

Waxaa lagu wadaa in Maanta Galinka danbe uu Magaalada Dhuusamareeb ka Furmo shir u dhexeeya madaxda Maamulada dalka Soomaaliya.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyagoo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne laftagareen kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa safarkaan waxay u tahay markii ugu horreysay uu tago Dhuusamareeb tan iyo markii la doortay,waxaana kasoo horeeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Ammanaka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb tagaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee halkaas ka furmaya.
Hogaamiyeyaasha Maamulada qarkood gaar ahaan Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa lagu soo waramayaa inay iska hormariyeen ciidamo fara badan oo amaankooda sugaya ayadoo dhanka kalena Magaaladaas laga soo saaray Ciidamadii Booliska gaarka Soomaaliya ee Haramcad.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa aragtidooda ka dhiibtay waxa laga filan karo shirka hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya uga furmaya Magaalada dhuusamareeb.

Shalay gelinkii dambe waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filaya inay maanta halkaasi ay tagaan Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyagoo mid kasta uu wato ilaalo u gaar ah.
Shirka gaarka ah oo ay yeelanayaan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin kuwa masiiriga ah gaar ahaan arrimaha doorashooyinka,sidoo kale ay waxay uga tashanayaan sidii ay shir deg deg ah isugu imaan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada.
Shirkaan Madaxda Maamulada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid,kadib markii uu dhawaan baaqday shir uu Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay 5-tii Bishaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21aad kuwa Nabadsugida & Booliska Soomaaliya waxaana sidoo kale Sugida amaanka qayb ka ah Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Dhamaan wadooyinka Magaalada dhuusamareeb ayaa Xirin waxaana Magaaladaasi laga dareemayaa diyaar garow aad u sareeya oo amaanka la xiriira iyo soo dhawaynta hogaamiyeyaasha halkaas ku kulmaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here