Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo Heshiis horu dhac ah gaadhay

Kulamo looga hadlayo Arrimaha dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa Madaxtooyada ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada shanta ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wararka lagalay kulamada ayaa sheegaya in Madaxda ay isku raaceen in la dhiso ilaa Saddex Guddi oo ka Shaqeynaya doorashada Barlamaanka, kuwaasoo kala ah,Guddiga doorashada ee Heer Federaal & Heer Maamul Goboleed & Guddiga xalinta khilaafkaadka Doorashada.
Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in Madaxda ay isku raaceen waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal,waxaana doorasahda ugu horeysay ay noqoneysaa tan Aqalka sare, iyagoo doorashooyinka ay dhici doonaan dhamaadka bishan October illaa horaanta Bisha November ee isla sanadkaan 2020.
Kulamada looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaay noqon doonaan kuwa joogta ah, iyadoo sidoo kale ay dhici doonaan shirar wadatashi ah ilaa laga gaaraya go’aamada ugu danbeeyay ee dhamaan dhinacyadu ku wada qanci karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here