Hogaamiyeyaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Dagaalka Covid 19

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa waxaay yeesheen wada-hadallo dhinaca Internet-ka ah,iyagoo ka wada hadley Arrimo dhowr ah oo labada dalka ay wadaagaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahad celiyey Agab Caafimaad oo maalma ka hor dowladda Turkiga soo gaarsiiyey Magaalada Muqdisho,kaasoo loogu talo galay ka hortagga Faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Dowlada Turkiga iyo shacabkeedaba kaga Mahadcelinayo hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah ugu soo direen Soomaaliya xili baahi weyn loo qabay,Gargaarkana uu kaalin mug leh ka gaysanayo ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha garab istaaga u muujiya Soomaaliya Xilikasta,waxaana Madaxweyne Erdogaan uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo u soo diray farriin uu ku sheegayo inuu Soomaaliya caawinayo,isla markaana uu rajeynayo inay labada Madaxweyne kulmaan si looga wada hadlo waxyaabaha muhiimka ah ee ay tahay in Turkigu Soomaaliya ka caawiyo sida marxlada Caafimaad ee hada uu dalku wajahayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here