Hogaamiyeyasha Maamulada Soomaaliya oo shir dhuusamareeb uga furmayo.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galdaduud sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Gelinka dambe ee Maanta uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya,kuwaas oo qaarkood ku sugan yihiin Magaaladaas.
Shalay gelinkii dambe waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filaya inay maanta halkaasi ay tagaan Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyagoo mid kasta uu wato ilaalo u gaar ah.
Shirka gaarka ah oo ay yeelanayaan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin kuwa masiiriga ah gaar ahaan arrimaha doorashooyinka,sidoo kale ay waxay uga tashanayaan sidii ay shir deg deg ah isugu imaan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada.
Shirkaan gaarka ah ee Madaxda Maamulada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid,kadib markii uu dhawaan baaqday shir uu Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay 5-tii Bishaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21aad kuwa Nabadsugida & Booliska Soomaaliya,waxaana Magaalada Dhuusamareb laga soo qaaday qaar kamid ah Ciidamadii Haramcad oo halkaaso ku sugnaa kadib markii ay sidaasi dalbadeen sida la sheegay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here