Hoggaamiyaal dhowr ah oo ka hadlay isbuurashadii Kakamega ee ay arday dhowr ah ku dhinteen

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid ugu yaraan 14 arday ah oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Kakamega ee galbeedka dalka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay xoojisay dadaalada gurmadka si ay daryeel caafimaad u helaan dhaawaca.
Madaxa mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanaya qoysaska ardaydaas.
Mr. Odinga ayaa sheegay inay qasab tahay in la qaado tallaabo degdeg ah oo ku aaddan baaritaano lagu sameynaya sababta isbuurashadaas keentay.
Waxaa sido kale tacsi tani la mid ah diray hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale oo caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawacantay oo tiro ahaan dhan 39.
Wasiirka waxbarshada ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhimashada 14-ka arday u xaqiijiyay warbaahinta dalka.
Taliyaha booliska ee bartamaha Kakamega David Kabena ayaa sheegay in arrintani ay dhacday xili ay ardayda fasallada ka baxayeen iyaga oo doonayay inay guriyahooda aadaan.
Ardayda ayaa la sheegay inay is riixeen oo ayna qaarkooda ka soo dhaceen dabaqa iskuulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here