Hoggaamiyaasha cusub ee Malawi oo la dhaariyay

Waxaa maanta xilalkooda loo dhaariyay madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera iyo ku xigeenkiisa Saulos Chilima.
Dhaarinta mas’uuliyiintan ayaa timid hal maalin un kaddib markii guddiga doorashooyinka uu shaaciyay inay ku guulaysteen doorashadii Talaadada.
Xafladda caleema saarka ayaa ka dhacday caasimadda wadanka Malawi ee Lilongwe.
Chakwera oo matalayay xisbiga Malawi Congress Party ayaa ka guulaystay madaxweynihii dalkaasi Peter Mutharika kaddib markii uu helay boqolkiiba 58.57 ee codadka.
Doorashada ayaa ahayd mid ku celis ah kaddib markii maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Malawi ay meesha ka saartay natiijada codbixinta bishii shanaad ee sannadkii 2019-ka ka dhacday dalkaasi.
Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa waxaa u madaxweyne ahaan doona shanta sano ee soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here