Hoggaamiyeyaasha ismaamulada xoola dhaqatada oo ka soo horjeestay warbixinta BBI

Madaxda laga soo doortay ismaamulada Xoola dhaqatada dalka ayaa si adag uga soo horjeestay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ee dhawaan la soo bandhigay, iyagoona shuruuda ku xiran taageerida warbixintaan.
Hoggamiyihii hore aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in hadii aan dahno waan ku faraxsanay soo jeedinta warbixinta BBI taas micnaheedu waxay tahay inaan khiyaanay xisbiyadeena iyo dalka ayuu yiri”
Hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah Kooxda Xoolo-dhaqatada ee baarlamaanka (PPG) iyo golaha horumarinta ismaamulada ayaa waxay ku adkeysteen in laga qayb gelin kulankii ka dhacay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Bayaan ay shalay si wadajir u soo saareen xubnaha ismaamulada xoola dhaqatada ayey ku sheegeen in warbixinta BBI laga reebay qodobadan, sinnaanta qaybsiga kheyraadka, matalaadda, sinnaanta jinsiga, baahiyaha dadka Naafada ah, iyo ilaalinta dhulalka bulshada iyo kuwo kale.
Waxaa ay dalbadeen in arrimahaan ay qeyb ka noqdaan warbixinta hadii kale aysan taageeri doonin.
Hoggaamiyeyaasha oo ay ka mid yihiin baraasabyda ismaamulada xoola dhaqatada, senetarada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa dalbaday in wax ka badalka la soo jeediyay ee ku saabsan qodobka 203 farqada (1) ee dastuurka ee qeybsiga kheyraadka laga tirtiro warbixinta BBI isla markaana waxay doonayaan in qodobka la ilaaliyo sida uu dhigayo dastuurka dalka ka dhaqan galsan ee la ansixiyay sannadkii 2010-kii.
Waxyaabaha ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah in 70-ka kursi ee la soo jeediyey, ismaamul walboo la siiyo 1 inta soo hartayna si dheelitiran loo wadaago..
Waxaa ay sidoo kale ka soo horjeesteen soo jeedinta ah in meesha laga saaro 47-da kursi ee wakiilada haweenka ee golaha shacbiga taas badalkeedana ay doonayaan inay sii jirto.
Mudanayaasha laga soo doorto ismaamulada xoola dhaqatada ayaa doonaya in aqalka senetka ay ansixiyaan dhamaan magacaabis walbo oo dastuuri ah loona tixgaliyo inay yihiin Aqalka Sare.
Waxay sidoo kale doonayaan in arrimaha xadgudubka Xuquuqda aadanaha in lagu soo qaado warbixinta BBI isla markaana loo qoondeeyo lacagaha loogu talagalay diiwaangelinta dadka iyo soo saarista Kaararka aqoonsiga qaranka iyo dukumiintiyada kale ee muhiimka ah si loo hubiyo in dhammaan xoola-dhaqatada da’da ah ay diiwaangashan yihiin ayna u heli karaan adeegyo la mid sida muwaadin kasta oo kale.
Dhanka waxbarashada hoggaamiyeyaasha gobolka Waqooyi Bari waxay soo jeediyeen qorista macalimiin dheeraad ah gaar ahaan gobolada halista badan ay ka jirto islamarkaana ay ka dhacaan arrimo la xiriira argagaxiso.
Ugu dambeyn hoggaamiyeyaasha ismaamuladaan waxay dalbanayaan in la dhiso maamul Suuq geynta Xoolaha nool oo awood u leh inay dhoofin karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here