Hoggaamiyaasha Kenya iyo Tanzania oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan la tacaalidda amni darrada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa wadanka Tanzania John Magufuli oo maalmo ka hor marti qaaday ayaa ku heshiiyay inay labada dowladood ee ay hoggaamiyaan iska kaashadaan xal u helidda falalka amni darro.
Waxay si cad u sheegeen inaynan marnaba u dulqaadan doonin falal dambiyeedyada laga gaysta xuduudda wadamada ay wadagaan.
Waxay isku afgarteen in muwaadiniinta Kenya iyo Tanzania falal dambiyeedyada ay gaystaan lagula xisaabtamayo dalka ay markaasi ku sugan yihiin.
Sido kale labadan mas’uul ayaa waxay isla garteen in la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeya ee dhanka ganacsiga ku saleysan shidaalka.
Uhuru Kenyatta iyo John Magufuli ayaa dhanka kale ku heshiiyay in dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyo adeegyada feeriga ee harada Victoria .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here