Hoggaamiyaasha waqooyi bari oo la kulmay madaxweynaha dalka

Madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamullada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ayaa xarunta State House ee magaaladatani Nairobi waxay kulan kula yeesheen madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Barasaabka dowlad deegaanka Garissa, Cali Bunow Qorane ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwo miro-dhal ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne Uhuru Kenyatta u gudbiyeen dhibaatooyinka gobolka ka taagan oo ay ugu horreeyaan arrimaha waxbarashada iyo ammaanka.
Guddoomiyaha Garissa ayaa xusay in madaxweynaha uu mas’uuliyiinta u ballanqaaday in xal loo helayo caqabadaha gobolka ka jiro isagoo dhanka kale ku booriyay inay kaalin weyn ka qaataan sugidda ammaanka deegaannada gobolka.
Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan iyo dhigiisa deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay madaxda kulan gaar u ahaa yeesheen ka hor inta aynan la shirin hoggaamiyaha wadanka.
Mr. Ducaale ayaa shaaca ka qaaday inay si gaar ah u eegayeen macallimiin la’aanta ka jirta gobolka , amni darrada, horumarinta wadada weyn ee isku xirta Isiolo – Madogaashe – Habaaswein – Wajeer – Raamu iyo Mandera ee ay si wadajir ah u maalgelinayaan dowladda dhexe iyo bangiga adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here