Hoggaamiyaha ANC oo isku soo bax u qabtay shacabka Mbale ee ismaamulka Vihiga

Hoggaamiyaha xisbiga (ANC) Musalia Mudavadi ayaa sabtidii shalay lagu qasbay inuu taageerayaashiisa kula hadlo waddo kutaala magaalada Mbale ee ismaamulka Vihiga kaddib markii booliisku xireen barxada Idavaga oo uu doonayay inuu isku soo bax ku qabsado.
Tan ayaa timid markii senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala uu isna isku dayay in taagerayaashiisa uu halkaas ugu qabto isku soo bax ballaaran .
Booliska ayaana isa soo dhoobay halka ay siyaasiyiinta ku qabsan lahayeen kulamadooda.
Dhamaan waxaa ay booliska xireen waddooyinka soo gala halka ay adeegsan lahayeen siyaasiyiintaas.
Booliska ayaa sheegay in senetar Malala uusan helin wax ogolaansho ah oo uu dhalinyarada ugu qaban lahaa kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here