Hoggaamiyaha ANC oo sheegay in dalka uusan mucaarad ka jirin

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in mucaaradka uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay ku guul daraysteen inay gutaan mas’uuliyadda ka saaran inay si dhow ula socdaan waxqabadka dowladda oo ayna ka hadlaan khaladaadka ay sameyso.
Iyadoo maalmo ay naga xigaan in loo dabaaldego 10 sano oo laga joogo tan iyo markii dastuurka dalka u dajisan wax laga badelay ayuu Mr .Mudavadi ku adkaystay in waddanka uusan hataan ka jirin mas’uul tixgelinaya qodobada dastuurka.
Hoggaamiyaha ANC ayaa ku doodayaa in mucaaradka ay difaacayaan dowladda isla markaana aysan ogeyn dhinaca ay jiraan ee dhanka golaha xeer-dejinta.
Waraysi uu siiyay Telefishinka maxaliga ee Cetizen ayuu Mudavadi ku sheegay in isaga uu ka mid yahay mucaaradka isagoona xusay in xildhibaanada mucaaradka aysan kala ogeyn inay yihiin mucaarad ama muxaafid.
Waxaa uu dhanka kale hoosta ka xarriiqay in dowladda aysan kormeer isku sameyn Karin islamarkaana mucaaradka kaalintiisu tahay in uu saxo khaladaadka dowladda balse hadii mucaaradka dowladda la shaqeeyaan aynan jirayn cid saxdo maamulka talada hayo.
Waxaa uu inta ku daray in isbaheysigii (NASA) kaas oo isu keenay xisbiyada ODM, ANC, Wiper iyo Ford-Kenya ay waayeen malayiin taageerayaal ah kaddib doorashadi 2017-kii.
Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in hiigsigii lagu soo dhisay isbeheysiga NASA uu ahaa dowlad wanaag, ku dhaqanka sharciga, dastuurka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa balse taasi haatan meesha ka baxday.
Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii Raila Odinga xilli uu waraysi siiyay Tv-ga maxalliga ee Ntv uu sheegay in isbaheysiga NASA uu ahaa mid ku guul dareystay doroshadii guud ee la soo dhaafay islamarkaana uu noqday mid laga takhalusay codeynta kaddib.
Mr. Mudavadi ayaa dhanka kale dowladda ugu baaqay inay joojiso qorsho kasta oo ku saabsan isbeddel lagu sameeyo dastuurka.
Waxaa uu soo jeediyay in diiradda la saaro dib u soo noleynta dhaqalaha wadanka ee uu sida weyn u saameeyay cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here