Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo dalbaday in la soo celiyo dhakhaatiir laga soo qaaday Waqooyi Bari

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa dowladda ka dalbaday inay dib ugu celiso ismaamulada ay ka midka yihiin Garissa iyo Wajeer dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba oo halkaasi laga soo qaaday kaddib markii laba ka howlgalayay isbitaalka Mandera la afduubtay.
Waxaa uu sido kale dhalinyarada bartay culuunta caafimaadka ee dhalasho ahaan ka soo jeedo Waqooyi Bari ugu baaqay inay deeganadaasi ka shaqeyaan si ay bulshada u caawiyaan.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale bulshada muslimiinta ah ku baraarujiyay inay dhaqaalahooda ugu deeqaan dhismaha iyo dayactirka xarumaha lagu barto diinta islaamka
Iyadoo berri ay billaabanayso bisha barakeysan ee Ramadaan ayuu mudanaha dhanka kale ku taliyay in la caawiyo masaakiinta

xildhibaan Aadan Barre ayaa dhanka kale shacabka galbeedka Wajeer cafis ka dalbaday kaddib markii dadka qaar ay la xariiriyeen guul darradii mid ka mid ah musharaxiinta doorashadii ku celiska ahayd u soo hooyatay

Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ayuu ku sheegay in shalay madaraista ku taallo deegaanka Tarbaj ee ismaamulka Wajeer loo aruuriyay in ka badan 61 milyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here