Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo ka hadlay mooshin ku aaddan xilka qaadistiisa

Aadan Barre Ducaale iyo Kanini Kega

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka warqabo mooshin lagu doonayo in xilka looga qaado.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay inay jiraan warar sheegaya in mooshinkaas uu ku howlan yahay xildhibaanka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri ahna guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha ganacsiga, warshadaha iyo iskaashatada Mr. .
Ducaale ayaa sheegay in mudanaha uu ku guda jiro saxiixyo uu uruurinaya si uu ugu cuskado mooshinka uu wado balse taasi ay tahay mid baal marsan dastuurka dalka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in geedisocodka xilka looga qaadayo inuu ku cadyahay farqada 19-aad ee xeer hoosaadka golaha sharci dejinta.
Sido kale waxaa uu bayaanka ku sheegay in marnaba aynan cabsi ku beereyn wax saameyn ahna ku yeelan doonin tallaabada uu ku dhaqaaqay dhigiisa deegaanka Kieni.
Dhawaan ayay ahayd markii kulan madaxtooyada dalka ee State House ay ku yeesheen siyaasiyiinta xisbiga talada haya ee Jubilee lagu go’aamiyay in xildhibaanka deegaanka Garissa Township uu sii hayo xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Waxaa tani si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha dalkana uga mahadceliyay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada gaar ahaan kuwa ismaamullada gobolka waqooyi bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here