DHAGAYSO:Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo ka soo horjeestay amar ka soo baxay wasaaradda waxbarashada

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Garissa Township Adan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay go’aan dhawaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang uu sheegay inaan la beddelin buundada ardayda baranaya macallinimada ay ugu biiri karaan machadyada kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in buundadaasi ay weli tahay C sidaasi awgeedna cid waliba oo aan darajadaasi helin loo ogolayn inay macallinimada barato.
Aadan Barre Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay inaynan suurta gal ahayn in lagu tallaabo qaado arrin saamaynaysa 3000 oo arday ah.
Waxaa uu sheegay inuu madaxweynaha dalka ku wargeliyay sida qorshaha wasaaradda uu caqabad ugu noqon karo dhalinyarada gobolka Waqooyi bari sidaasi awgeedna uu jawaab ka sugayo dhanka hoggaamiyaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here