Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo sheegay in kala duwanaansho siyaasadeed aynan cadowtinimo ahayn

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in kala duwanaanshaha dhanka aragtida ee siyaasiyiinta aynan marnaba ka turjumeynin cadowtinimo u dhexeyso.
Shalay ayay ahayd markii isaga iyo barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ay kulmeen oo ayna ku heshiiyeen inay meesha ka saaraan khilaaf u dhexeyay.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ku sheegay in isaga iyo guddoomiyaha ay isku afgarteen inay midnimada sii xoojiyaan iyadoo loo daneynayo bulshada dowlad deegaankaasi ku nool.
Sido kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta la soo doortay dhammaan laga doonayo inay mudnaanta koobaad siiyaan u adeegidda shacabka iyo ka dhabeynta ballanqaadyadii ay shacabka u sameyeen xilligii lagu guda jiray ololihii doorashada.
Waxaa uu caddeeyay in kala duwanaanshihii kala dhexeyay madaxda kale uunan ahayn mid shakhsiyeed isagoo u mahadceliyay dhammaan madaxdii dib u heshiisiintaasi ka shaqeysay.
Dadka heshiiskan soo dhaweeyay waxaa ka mid ah xildhibaankii hore ee deegaanka Balambala Cabdiqadir Cumar Aadan oo labada mas’uul ku ammaanay inay qaadeen tallaabo geesinimo ku saleysan isagoo ku booriyay inay sii wada shaqeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here