Hoggaamiyaha Dalka oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha mar kale la Doortay ee Malawi

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa  fariin hambalyo ah u diray dhigiisa   mar kale la doortay ee  wadanka  Malawi, Peter Mutharika.

Mr. Kenyatta ayaa madaxweynaha  dalkaasi  u rajeeyay  inuu waajibaadkiisa si  wanaagsan  u guto.

Waxaa uu sido kale u xaqiijiyay  inuu ku taageerayo sidii  labada wadan ay horumar u gaari lahayeen sido kalena loo sii xoojin  lahaa xariirka ka dhexeya.

Qoraal  la soo dhigay barta rasmiga ee  Twitarka madaxtooyada  State House  ayuu Mr. Kenyatta  ku sheegay in   Mutharika oo markii labaad  la doortay ay  tahay fursad  sii adkeynaysa  cilaqaadka  taariikhiga ah ee labada dal.

Waxaa uu sido kale  sheegey in guusha  mar kale u soo hooyatay  madaxweynaha Malawi ay ka dhigan tahay  kalsooni buuxda oo shacabku ay ku qabaan hoggaankiisa.

Guddiga doorashooyinka ee dalka Malawi ayaa shalay  shaaciyay  in  xisbiga madaxweynaha  ee (DPP) uu helay boqolkiiba  38.57 ee codadka   halka  midka kale  ee  MCP ay u soo hooydeen boqolkiiba  35.41  ee codadkii la dhiibtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here