Hoggaamiyaha Hong Kong oo la filayo inay isku shaandheyn ku sameeyso golaha wasiirada

Madaxa fulinta ee jamhuuriyadda Hong Kong , Carrie Lam ayaa shaaca ka qaadday inay suurtagal tahay isbeddel ballaaran oo lagu sameeyo golaha wasiirada.
Waxay dhanka kale carrabka ku dhufatay inay hadda diiradda saareyso dejinta xaaladda cakiran ee halkaas ka jirta.
Mrs. Lam ayaa ku nuuxnuuxsatay inay mudnaanta koowaad siinayso sidii loo soo celin lahaa nidaamkii kala dambeynta.
Tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sannadkan shacabka Hong Kong oo ay hor kacayaan dadka u ololeeya maamul wanaagga ayaa dhigayay dibadbaxyo ay ku doonayaan dimuqaraadiyad buuxda.
Booliska ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay xabsiyada dhigay in ka badan 6,000 qof oo ku dhawaad boqolkiiba 40 arday ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here